Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Man City & Arsenal, Xidighii Fashilmay, Kuwii Isku Muujiyay Kulankan Iyo Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa.

0
343

Manchester City ayaa tubta guusha ku soo laabtay kadib markii ay 3-1 ku dubteen kooxda Arsenal oo waji gabax kala laabtay Etihad Stadium. Unai Emery ayaa dhexda ugu jira eedayn culus maadaama oo uu shax su’aal wayn la galiyay kala soo hor muuqday Pep Guardiola taas oo ay ciqaabtiisu noqotay in guuldaro wayn dhabarka loo soo saaray.

Manchester City ayaa laba dhibcood ku soo yaraysay shantii dhibcood ee ay Liverpool ka saraysay ka hor inta ayna kooxda Jurgen Klopp u safrin London Stadium halkaas oo ay kulan muhiim ah kula soo ciyaari doonaan West Ham United.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda Man City iyo Arsenal ee kulankii Etihad Stadium iyada oo aanu eegi doono xidigihii kulankan ku fashilmay iyo kuwii sida wayn iskugu muujiyay.

XIDIGII GAROONKA: Sergio Aguero ayaa kulankan ka helay qiimayn 10/10 ah waana qiimayn ay adag tahay in ciyaartoyda la siiyo marka laga reebo xidigo si buuxda u go’aamiya isla markaana bandhig wayn u sameeya, wuxuuna sidaa Aguero sida ugu sahlan uu ku noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa.

Raheem Sterling ayaa isna noqday xidiga labaad ee ugu qiimaynta sareeya kaas oo sida uu doono u burburiyay difaaca diciifka ahaa ee uu Arsenal kaga hor yimid wuxuuna haystaa qiimayn 9/10 ah laakiin ma jiro ciyaartoy Man City ah oo kulankan qiimayn hoose ka haystaa.

Waxaa kulankan si xun ugu fashilmay Alex Iwobi oo ah xidiga uu Emery ilaa hadda sida indho la’aanta ah shaxdiisa ugu soo bilaabayo ee uu Mesut Ozil kaydka ugu hayo wuxuuna Iwobi noqday kan ugu qiimaynta liitay dhamaan ciyartoyda labada kooxood.

Laakiin waxaa kulankan qiimayn fiican ka helay goolhaye Leno oo ceeb wayn ka badbaadiyay Gunners si la mid ah Kolasinac, Koscielny, Guendouzi iyo Lacazette oo ahaa xidigihii ugu dadaalka badnaa Gunners.

Qiimaynta Ciyaartoyda Man City iyo Arsenal Oo Dhan:

Man City: Ederson (6), Walker (7), Fernandino (7), Otamendi (7), Laporte (8), Gundogan (7), David Silva (7), De Bruyne (7), Bernardo Silva (7), Sterling (9), Aguero (10)

Badalkii: Jesus (NA), Mahrez (NA)

Arsenal: Leno (7), Lichtsteiner (6), Kolasinac (7), Mustafi (6), Monreal (6), Koscielny (7), Torreira (6), Guendouzi (7), Iwobi (5), Aubameyang (6), Lacazette (7)

Badalkii: Ramsey (6), Suarez (6), Mavropanos (NA)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here