Warar been abuur ah oo horseeday in dab la qabadsiiyo kaniisado dalka Itoobiya

0
209

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in ilaa toddobo kaniisad ah la weeraray halka qaar kamid ah la gubay maalmihii lasoo dhaafay.
Kaniisadaha qaarkood ayaa gebi ahaanba uu burburiyay dabka.
Waxay dhibaatadan ka dhacday deegaanka Alaba Kulito oo ku yaalla gobolka Shucuubta Koonfureed.
Warbaahinta dowladda Itoobiya waxay ku warrantay in weerarka uu ka dhashay markii warar been abuur ah lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayo in tiro Misaajido ah la weeraray.
Deegaankan oo ay ku badan yihiin muslimiinta ayaa ahaa mid deggan marka laga reebo rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay
Sanadkii lasoo dhaafay qeybo kamid ah gobolka shucuubta Koonfureed ee dalka Itoobiya waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeyay qowmiyadaha qaar ee halkaasi wada deggo. Waxaana ka barakacay tobonaan kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here