Wararkii Ugu Danbeeyey Dil Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faah Faahin Ka Soo Baxeysa

0
146

Waxaa Goordhow gudaha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir lagu dilay Nin la sheegay in uu Ganacsade ahaa.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay hiiraanweyn ayaa u sheegay in Ninka la dilay uu ahaa Ganacsade,kaasi Afar-irdoodka Xamarweyne ku iibin jiray dharka loo yaqaano Huudheyda,iyadoona ay toogteen dhalinyaro hubeysan.

Ragii ka dambeeyay dilkaasi ayaa waxaa la sheegay in si deg deg ah ay goobta uga baxsadeen,isla markaana waxaa halkaasi Meydka ka qaaday dad kale oo ganacsato ahaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliskan Soomaaliya oo xiliga uu dilka dhacayay ku sugnaa goob aan sidaa u fogeyn ayaa tegay,iyagoo haatan halkaasi ka wada baaritaano ku aadan qaabka uu falkan u dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan ay geysanayaan Ragga ku hubeysan Bastooladah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here