Wararkii Ugu Danbeeyey Dil Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
165

War Goordhow naga soo gaaray Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in halkaasi lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Dilkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay inta u dhaxaysa Asluubta iyo Xero Maslax ee Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho,isla marrkaana loo geystay Askariga ka tirsnaa Ciidanka dowlada oo xiliga la dilayay waday Mooto sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta ka baxasdeen,iyagoo aan la ogeyn waxa ay ahaayeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlada oo ku sugnaa Nawaaxiga uu dilka ka dhacay ayaa tehay goobta,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka Askariga la dilay,waxaana ay sameeyay baaritaano aan wax natiijo ka soo bixin.

Inta badan Magaalada Muqdisaho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal kala duwan oo ay geystaan ragga ku hubeysan Bastooladaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here