Wararkii Ugu Danbeeyey Howlgallo ciidamada Mareykanka eey ka fuliyay Sh/Hoose

0
182

Wararka aan ka heleyno Deegaanka Baladul-amiin ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda oo garab ka heleya saaxiibada taageera ayaa weerar qorsheysan waxay ku qaadeen deegaankaas.

Ciidamada Kumaandooska Dowladda iyo kuwa mareykanka ah ayaa la sheegay inay labo Diyaaradood ay ku tageen deegaanka, iyaga kadib weerar dhanka dhulka ay ku qaaday Saldhigyo Al Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi.

Sarakiil ka tirsan kuwo Howlgalka fuliyey ayaa sheegay in u jeedku ahaa sidii loo burburin lahaa xarumaha Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka Baladul-amiin,hayeeshee ma uusan bixin faah faahin intaasi ka dheeraad ah.

dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday deegaanka Baladul Amiin in Al-Shabaab khasaare lagu gaarsiiyay, loogana dilay saraakiil iyo ciidamo la socda oo  ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa Mareykan ah ayaa dhowr mar waxa ay weeraro ku qaadeen saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab,kuwaas oo la sheegay inay bur buriyeen Saldhigyo ay lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here