Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Samaaliya oo codsi u diray dowladda Koonfur Afrika

0
188

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo Safar shaqo ku jooga dalka South Africa ayaa maanta booqday College of Cape Town oo ah Xarun lagu barto Xirfadaha Farsamada Gacanta.

“Waxaan ka codsanay inay gacan naga siiyaan sidii dalkeenna looga hirgelin lahaa xarumo casri ah oo lagu barto farsamada gacanta si dhalinyarada Soomaaliyeed uga faa’ideystan, Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare waxaa ka go’an  hirgelinta dugsiga farsamada gacanta taasoo sahleysa in shaqo abuur ay helan dhalinyarada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

“Maanta waxaan kormeer ku tagay College of Cape Town oo ah mid lagu barto xirafadda farsamada gacanta , waxaan kula kulmay madaxda College-kan wuxuu faah faahin iga siiyay habka ay u shaqeeyaan iyo qalabka ay wax ku baran dhalinyarada barta xirfaddan” ayuu yiri Wasiir Goodax

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday Maamulka Xaruntaasi in Gacan laga siiyo Siddii Soomaaliya looga hirgelin lagaa Xarumo Casri ah oo lagu barto Farsamada gacanta, si dhalinyaradda Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

Wasiirka ayaa Xusay in Wasaaradda Waxbarashadda XFS ay ka go’an tahay in dalka laga hirgeliyo Dugsiga farsamada gacanta, arrintaasi oo uu xusay in Shaqo abuur ay ka helayaan Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

“Waxaan ka codsanay inay gacan naga siiyaan sidii dalkeenna looga hirgelin lahaa xarumo casri ah oo lagu barto farsamada gacanta si dhalinyarada Soomaaliyeed uga faa’ideystan, Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare waxaa ka go’an  hirgelinta dugsiga farsamada gacanta taasoo sahleysa in shaqo abuur ay helan dhalinyarada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here