Wasiirkii Arrimaha Dibada dalka Iiraan oo is casilay

0
92

Waxaa ku dhawaaqay in uu xilkii iska casilay Wasiirkii Arrimaha dibada ee dalka Iiraan Mohammad Javad Zarif,isaga oo is casiladiisa ku shaciyey barta uu ku leeyahay aalada Instagram-ka.

Sababaha uu isku casilay ayuu Wasiirka ku sheegay in uu gabay Shaqadiisa,isla markaana uusan wadi karin sidaas darteedna uu xilki isaga casilay.

Wakaaladda wararka IRNA ayaa xaqiijisay is casilaada Mohammad Javad Zarif,waxana lagu xasuustaa in uu doorweyn ka qaatay heshiiskii taariihkiga ahaa ee nukliyeerka ee sannadkii 2015kii, kaas oo dhex maray Iiraan iyo quwadaha caalamiga ah.

Mohammad Javad Zarif da’diisa waa 50 jir waxaana la sheegay in uu wax kusoo bartay dalka Mareykanka Wuxuu horray u soo noqday dan jirihii Iiraan u fadhiyay Qaramada Midoobay, wuxuuna wasiirka arrimaha dibadda noqday sannadkii 2013, ka dib markii xilka madaxweynenimada loo doortay madaxweyne Xasan Rawxaani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here