Wax Ka Ogow Waa Kuma Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo Muqdisho lagu dilay

0
177

Galabta waxaa degmada Kaaraan lagu dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee sidda ay u yaqaanaan Bulshadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanka waxaa uu ahaa nin si weyn usoo bandhigga Aragtidiisa, waxaana lagu xasuustaa in uu Muddo dheer uu ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa uu kasoo jeeddaa Gobolka Awdal ee Somaliland, wuxuu golaha shacabka ee hadda jira ahaa ninka ugu da’da weyn.

Dhamaadkii 2016-ka  Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u gartay in uu noqdo Gudoomiyaha Kumeelka gaarka ah ee Labadda Aqal tan iyo inta laga dooranaayo Gudoonka Golaha Shacabka.

Dowladdii uu hoggaamin jiray Cabdullaahi Yuusuf waxaa uu kasoo noqday Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka.

Wuxuu ahaa nin qaranka u soo shaqeeyey mud dheer, ka qeybgalay dagaalkii 1964 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray kuna dhaawacmay asagoo askari ah, asagoo ciidanka ku gaaray gaashaanle sare.

Hadda Wuxuu ka tirsanaa Golaha Shacabka waxaa uu ku jiray Guddiga difaaca iyo xisbiga UPD ee hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here