Wax Ka Ogow Waqtiga la ansixinayo Wasiirada Cusub ee Koonfur Galbeed

0
246

Xildhibaanad Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa bilaabay Shaqooyinkoodii caadiga ahaa waxaana shalay furmay kal-fadhiga 7aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed,kadib fasax ay ku jireen Xildhibaanada.

Maalinta Berito ah oo Arbaco ah ayaa la filayaa in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagreen uu Baarlamaanka horgeeyo Golihiisa Wasiirada Cusub si ay u ansixiyaan,sida uu Xildhibaanada ku wargeliyey guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagreen ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay noqon doonto kuwo ka Shaqeeya danaha Shacabka,isla markaana ay dhinac isaga leexinayaan danaha gaarka ah.

Si kastaba Kulanka ugu soo horeeya ee Golaha wakiilada Koonfur Galbeed ee Maalinta berito ah kuna beegan 27/2/2019 ayaa waxaa la horgeyn doonaa Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed si ay u ansixiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here