Xasaradda ka taagan Dalka Venezuela Oo cirka mareysa

0
106

Wararka laga helayo dalkaasi Venezuela ayaa sheegaya in koox dadka asal ahaan ka soo jeeda Venezuela ay isku dhaceen ciidammada ammaanka ee uu soo amray madaxweyne Nicolas Maduro – kuwaasoo isku dayayay inay ka hortagaan gargaar ka soo gala xadka Brazil.

Hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guaido, oo isagu bishii hore isku magacaabay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi, Mareykankuna uu u sacabba tumay, ayaa sheegay inuu doonayo in gargaar ka socda Mareykanka iyo mid caalami ah la geeyo dalkaasi.

Waa tallaabo uu madaxweyne Maduro hore u diiday, isagoo dafiraya in xasarad bani`aadannimo ay dalkiisa ka jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here