{DAAWO SAWIRADA} Gabadh Soomaali ah oo baraneyso wadista diyaarad kidib karkii ay….

0
177

Meyran Cumar waa gabar Soomaaliyeed ee dagan Minneapolis Minnesota ayaa dhawaan baratay sida baarashuudka looga soo boodo horeyna waxay Meyran u baratay wadida diyaaradaha yaryar.
Marka ay ka hadlleysay waxyaabaha ku dhaliyay in ay barato sida diyaaradda loo kaxeeyo ayay tiri ”Waxaan u safray wadanka sucuudiga oo aan arkay sida loo cadadiyo dumarka looma ogola in ay gaari kaxeeyaan anigu waxaan haystay liisanka gaadhiga markii aan soo noqday Ayaan go’aansaday in aan gabdhaha muslimiinta tuso in aan wadi karo diyaarad.
Baarashuudka maalinkii u horeysay waxaan ka raadiyay Minneapolis wada rag ayay ahaayeen,markii danbe gabadh ayaa ii sheegtay in Luska,san aan ka helayo laba gabdhood hadii ay jaanis leeyihiin, waan wacay gabadhii kaligay Ayaan u socdaalay goobtaas.

”Waxaan tagey aniga oo xijaaban goobta waxaa joogay dhalinyaro waxey dareemeen cabsi,waxan la kulmay dareen diidmo ah,markii danbe aniga ayaa tagay miiska qaabilada waan u sheegay in aan leeyahay balan,waxey I weydiiyeen adiga miyaa doonaya mise ninka kula socda oo ahaa qob magac carab ah u qornaa,waxaan la soo baxay liisankii duuliyaha aan sidatay waxaana isbadalay dareenkoodii,qofwalba wuxuu codsadey innuu macalin ii noqdo waxaan codsadey gabadhii aan doonayay in ay macalin ii noqoto.

Markii aan diyaaraddii kornay waxaa lagashadaa okiyaale iyo mid kale oo lamid ah ka loo qaato wadista mootooyinka,kaas waan hilmaamay diyaaradii ayaan kornay.
”Goobta laga soo boodayaa waa 11 fiit oo hawada ah u dhiganta jooga bada kun ilaa kun iyo dhan boqol,markii aan soo boodnay hawadii way iga dhuntay balse gabadhii ayaa I caawisay markii ay dareentay waxay furtay baarashuudkii,dareenkayga ayay I weydiiyeen markii aan soo dagnay,soomaali Ayaan ahay waan is adkeeyey si aan u tuso wax walba waa ok.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here