{DAAWO SAWIRADA} Maamulka gobolka Banaadir oo ku wareejiyay qoyskii lahaa Sarta Beexaani

0
111

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku wareejiyay qoys Soomaaliyeed oo gurigooda laga hestay mudo dhowr iyo labaatan sano ah, waxaana dacwado mudo socday kadib gurigaasi dib u helay dadkii lahaa.

Gurigaan oo caan ka ah degmada Shibis iyo guud ahaan dalka Soomaaliya loona yaqaan Sarta Beexaani ayaa waxa uu ku yaal isgoyska Beexaani ee Degmada Shibis, waxaana sanado kadib gurigaasi dib u hantiyay dadkii lahaa.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa goobjoog ka ahaa wareejinta gurigan waxana uu sheegay in laga soo gudbay xilligii shacabka hantidooda xoog lagu heysan jiray, isla markaana uu maamulkiisa u dul-qaadan doonin in muwaadin Soomaaliyeed hantidiisa si xoog ah lagu heysto.

Magaalada Muqdisho ayaa sanado badan lagu kala heystay guryo iyo hanti kale oo ma guurto ah, hasa ahaatee, waxaa muwaadiniin badan dib loogu celiyay guryo iyo hanti kale oo xoog looga heestay sanado badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here