Dowladda Japan Oo Soomaaliya ka taageeraysa ka hortagga Qaraxyadda

0
106

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka faa’iideysto ​​$ 1 milyan oo doolar oo ka imanaysa Dowladda Japan si ay u taageeraan mashaariicda ay fulinayso Hay’addaha Qaramada Midoobey gaar ahaan kuwo la dagaallama Miinooyinka iyo Qaraxyadda.

Dowladda Japan ayaa sheegtay in ay muhiimad gaar ah siin doonto Barnaamijyadda looga hortaggaayo Qaraxyadda Waxyeeladda badan geysta ee Soomaaliya.

Dowladda Japaan waxa ay sheegtay in Mashruucaan uu sare u qaadi doono Hanaanka Ammaanka Soomaaliya,islamarkaana uu keeni doono dib u gabasho dhanka Ammaanka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Japaan ayaa sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale ee Afrika Japan ay siin doono Mashaariic kala duwan oo lagu horumarinaayo Ammaanka iyo dib u dhiska.

Dowladda Japan ayaa ka mid ah dowladdaha taageeradda siinaya Soomaaliya, waxaana sanadyadii ugu dambeeyay ay waday mashaariic kala duwan.

Soomaaliya iyo todoba waddan oo kale ayaa ka faa’iideystay ​​$ 5.2 milyan oo doolar oo ka timid  Dowladda Japan si ay u taageeraan mashaariicda ay fulinayso Hay’adda Qaramada Midoobay ee Horumarinta Warshadaha (UNIDO) Sanadkii 2018-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here