FAAH FAAHIN dheraad ah ayaa Ka sobaxeyso dagaalka deegaanka Xeraale

0
214

Waxaa warar dheerad ah ay kasoo baxayaan dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay oo weli ka socda deegaanka xeraale ee Gobolka Galgaduud kaas oo u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan Ahlusuna ee ku biiray Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyaad deegaanka ah.

Dagaalka oo xalay soo bilaawday ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusuna ee ku biiray Galmudug ay weeerareen deegaankaas oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaad aan ka amar qaadan Maamulka Galmudug.

Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in khasaaraha dhimashada labada dhinac ee dagaalka ka dhashay uu gaaray 8 ruux,waxaana warraka qaar ay sheegayaan in dadka dhintay ay ku jiraan saraakiil hoggamineysay dagaalka.

Xaalad kacsanaan ah ayaa haatan ka jirta deegaanka Xeraale,waxaana lagu soo waramayaa in deegaano kale uu dagaalka kusii fiday,isla markaana badi dadka deegaanka xeraale ay barakaceen.

Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug iyo saraakiisha Ciidamada weli kama hadlin dagaalkaas,waxaana sidoo kale la sheegay in la maqlayo rasaas culus oo ka dhaceysa gudaha deegaanka iyoi daafihiisa.

Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan ayaa horay waxaa ay dhowr jeer u dagaalameen maamulkii Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ee  ku biiray Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here