Kooxaha Al shabaab oo lawareegay deegaano muhiim ah…..

0
239

Wararka aan ka heleyno deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas  Maanta dagaal ay kula wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaanka,isla markaana ay kula wareegeen,waxaana dagaalka uu qaatay muddo saacad ah.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay u sheegeen in Al-shabaab ay dhowr jiho ka soo galeen deegaanka,waxaana halkaasi isaga baxay Ciidamadii ka tirsanaa dowladda Soomaaliya ay ku sugnaa.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in mararka qaar gudaha deegaanka laga maqlayo rasaas xoogan oo ay ridayaan Al-shabaab.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ka baxeen degmada Balcad,iyagoona ku wajahan Xawaadley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here