Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo gaaray Muqdisho

0
72

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa soo gaaray Magalada Muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Axmed Madoobe oo kasoo kicitimay Magalada Kismaayo ayaa waxaa uu wataa ilaalo gaar ah,waxaana Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho kusoo dhaweeyey  Wasiiro ay ka mid yihiin  Arrimaha Gudaha,Amniga iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal.

Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in uu imaanayo Magalada Muqdisho, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland  markii uu Kismaayo tegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa  Magalada Muqdisho waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhameystiro xalinta mad madowgii soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here