Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo sheegay in la dhisayo Biyo xireeno…….

0
108

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo weli safar dibada ah uga maqan dalka ayaa sheegay in uu ku howlan yahay dhismaha Biyo Xireeno laga dhisayo Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in fatahaadaha Wabiga Shabeelle uu dhibaatooyin farabadan ku haayo deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, hayeeshee Mamulka Hir-Shabeelle, Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaliya iyo Hay’adda FOA ay wadaan qorsho biyo xireeno looga dhisayo Magalada Baladweyne.

Waxa uu sheegay in dhismahaas dhawaan la dhagax-dhigi doono,isla markaana Magalada Baladweyne uu dhawaan tegayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrte si uu u dhagax-dhigo mashaariicda lagu dhisayo Biyo xireenadaas.

Horaantii sanadkii tegay ee 2018 ayaa wabiga Shabeelle waxa uu fatahaad ka sameeyey deegano ka tirsan gobolka Hiiraam sigaar ah Xaafadaha Magalada Baladweyne taas oo sababtay in dhamaan dadkii ku noolaa Magalada Baladweyne ay barakacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here