Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta kusoo wajahan Magalada Muqdisho

0
172

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo gaaro Magalada Muqdisho, iyada oo diyaar garowga soo dhaweyntiisa ay ka socoto Magalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in uu imaanayo Magalada Muqdisho, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland  markii uu Kismaayo tegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa markii uu soo gaaro Magalada Muqdisho waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhameystiro xalinta mad madowgii soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey,waxaana la xiray wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho, kuwaas oo gaadiidka dadweynaha loo diidayo inay isticmaalaan.