Mesut Ozil oo markale la kulmay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

0
288

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Kubadda Cagta Arsenal Mesut Ozil ayaa mar kale la kulmay madaxweynaha wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Mesut Ozil oo heysto dhalasho Germany balse asal ahaan kasoo jeedo wadanka Turkiga ayaa la kulmay madaxweynahay wadanka uu asal ahaan kasoo jeedo ee Erdogan asigoona ku casuumay inuu kasoo qeyb galo xaflada arooskiisa oo dhawaan dhici doonto.

Ozil ayaa sanadkii hore la kulmay madaxweynaha turkiga xili uu ku gudo jiray ololaha doorashada wadanka Turkiga waxayna midaas ka careysiisay wadanka uu dhalashadiisa heysto ee Germany gaar ahaan xiriirka kubadda cagta Germany.

Isjiijiid iyo buuq dhacay kadib ozil ayaa soo dadajisay in Ozil xili hore isaga fariisto u cayaarista qaranka Germany.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here