Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
169

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Al Baraka ee degmada Hodon ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax lagu xiray Gaari qof uu watay.

Goobjoogayaal ayaa  sheegay  in qofkii Gaariga watay uu dhaawac culus soo  gaaray laguna qaaday Gaari kuwa gurmadka deg degga ah.

Waxaa kale oo qaraxa ku dhaawacmay shaqaale ka shaqeynayay maqaayad u dhow halka uu qaraxa ka dhacay.

Qarax ayaa si gaar ah uga dhacay ka soo horjeedka Daarta MBC, xaafadda Al Barakada ee Degmada Hodon.

Inta badan waddooyinka Muqdisho ayaa maanta waxaa ay u xiranyihiin Ciidamada Milatariga Soomaaliya,kuwaas oo saaka gaadiidka u diidaya waddooyinka qaar ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here