{DAAWO SAWIRADA} Banaabax looga soo horjeedo kufsiga oo maanta ka dhacay Magaalada Garoowe.

0
157

Banaanbax looga soo horjeedo falalka kufsiga ah ee ku soo batay deegaanada Puntland ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Boqolaal ka mid ah dadka ku nool Garoowe oo u badan haween ayaa banaanbaxa dhigay,waxaa ayna ka codsadeen Golaha Wasiirada  Maamulka Puntland in cadaaladda la horkeeno dadka loo heysto falalka kufsiga la xiriira.

Dadka ka qeyb galay Banaanbax ayaa waxaa ay sheegeen in aan loo dulqaadan Karin in kufsi loo geysto haweenka ku nool deegaanada Puntland, islamarkaana dadka kufsi geystana ay ku jiraan xabsiyada Puntland, waxaa ayna dalbadeen in Maxkamad la horgeeyo.

Deegaanada Maamulka Puntland ayaa waxaa ku soo kordhay kufsi loo geysto Dumarka Soomaaliyeed, iyadoona arintan ay walaac xoogan ay ka muujiyeen shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here