{DAAWO SAWIRADA} Dhalinyarada Dagmada  jalalaqsi ee Gobolka hiiraan oo Gudoomiye Cusub Dooratay.

0
517

Dhalinyarada ku nool Dagmada  jalalaqsi ee Gobolka hiiraan ayaa doortay Gudoomiye cusub kadib kulan saacado badan qaatay oo ka dhacay gudaha dagmadaas.

 

Kulankan lagu doortay Gudoomiyaha Cusub ee dhalinyarada Dagmada Jalalaqsi ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka hiiraan Maxamed Cabdulaahi buraale raaxeeye Gudoomiayaha Dagmada Jalalaqsi Maxamed Nuur caga joof dabaashe iyo ku xigeenadiisa taliyaha Saldhiga Booliska Muuse salaad iyo Bahda warbaahinta ee ka howlgasho dagmada Jalalaqsi.

 

Doorashada Gudoomiyaha Dhalinyarada  ayaa waxaa isku so sharaxay labo musharax oo kala ah.

Nuur Cabdule shaarib

Cismaa ciil cilmi Guure.

 

tirada dhilinyarada wax dooraneysay ayaa aheyd 23 xubnood oo laga soo xulay dhalinyarada xaafadaha ay ka kooban tahay Dagmada Jalalaqsi si ay u dooraadtaan Gudoomiyaha Cusub ee Dhalinyarada Jalalaqsi.

 

 

Doorashada ayaa so dhamaatay wareegii 1 aad madaama ay tartamayeen labo musharax oo kaliyah waxana wareegii ugu horeyay ku guuleystay Cismaaciil Cilmi Guure oo helay 17 Cod Halka Nuur Cabdule Shaarib uu helay 3 Cod waxana halaabay sida uu ku dhawaaqay Cabdi ladhiif Farax Aadan oo ka tirsan dhalinyarada Gobobolka Hiiraan.

 

 

Nuur Cabdule Shaarib oo looga adkaaday doorashada dhalinyarada dagmada Jalalaqsi ayaa so dhaweyay qaabka ay doorashada u dhacday waxana uu ku tilmaamay mid cadaalah ah,

 

 

Gudoomiyaha Cusub ee dhalinyarada Dagmada Jalalaqsi Cismaaciil Cilmi Guure oo ka hadlay goobta lagu doortay ayaa codsaday in la la shaqeeyo si howsha adag ee sugeyso uu wax uga qabto.

 

Taliyaha Saldhiga Booliska Dagmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Muuse salaad ayaa Doorashada dhalnyarada ku tilmaamay mid wanaagsan oo di muqraadiyad ah waxana uu kula dardaarmay Gudoomiyaha cusub in uu wax qabad la yimaado.

 

 

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulaahi Buraale (Raaxeeye) oo goobjoog ka ahaa Doorashada ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay Doorashadii Maanta ka dhacday Dagmada Jalalaqsi waxana uu kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo midnimada Nabada iyo is dhaxgalka dhalinyarada ku nool dagmada Jalalaqsi ee Gobolka hiiraan.

 

 

Maxamed Nuur Cagajoof (Dabaashe) Gudoomiyaha Dagmada Jalalaqsi oo ku sugnaa halka ay ka dhacday Doorashada ayaa sheegay in doorashadan ay tahay wax lagu farxo waxana uu intaa raaciyay in ay tusaale u tahay wadada ay ku socoto dagmada Jalalaqsi oo ah wadada horumarka,

 

 

Gudoomiyaha Dagmada jalalaqsi ayaa gabagabadii Hambalyo iyo dardaaran iskugu daray Gudoomiyaha Cusub ee dhalinyarada Dagmada Jalalaqsi ee Gobolka hiiraan.