{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula Kulmay Masuuliyeen ka Tirsan QM

0
160

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed  C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Magaalada Muqdisho Kullan kula Qaatey Sii hayaha Ergeyga Gaarka ah Ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Soomaliya ahna kuxigeenka Wakiilka Mr Raisedon Zenenga,

Labada masuul ayaa waxaa ay  kawada hadleen iney yeeshan wada shaqeyn dhow, iyo sidii Dowlad goboleedka  Koonfur galbeed Soomaaliya gacan looga siin lahaa furida waddooyinka ay Go’odoomiyeen Al-Shabab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ayaa Magaalada Muqdisho kullan kula qaatey Safiirka Soomaaliya u jooga Mareykanka Donald Yamamoto,waxaama ay ka wada hadleen kobcinta dhaqaalaha koonfur galbeed iyo sidii Maamulka  Koonfur galbeed Mareykanka Gacan ugu siin lahaa la dagaalanka Al-Shabab,iyo sii Mareykanka Mashaariic horumarineed ugu fulin lahaa Deegaanada KGS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here