{DAAWO SAWIRADA} Masuuliyeen ka Socda Jaamacada Muqdisho Oo Baladweyne Soo Gaaray.

0
171

Maamulka iyo Ardada Jaamacada Hiiraan ayaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif oo Maagaalada Baladweyne kusoo dhaweeyey Masuuliyeen ka Tirsan Jaamacada Muqdisho oo kala ahaa Gudoomiye ku Xigenka Jaamacada La Taliyaha Gudoomiyaha Jaamacada Agaasimaha Xafiiska Gudoomiyaha jaamacada.

Masuuliyeentan ayaa Gacan qaaday ardadii kusoo dhaweeysay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne waxaana looso galbiyye Gudaha Magaalada Baladweyne.

Ardada iyo Maamulka Jaamacada ayaa Munaasabad Kooban oo soo dhaweeyn ah ugu sameeyey masuuliyeentan Gudaha Magaalada Baladweyne gaar ahaan.

Maamulka Jaamacada Hiiraan iyo Macalimiinta wax ka dhigo Jaamacada Ayaa masuuliyeentan kusoo dhaweeyey Magaalada Baladweyne gaar ahaan jaamacada Hiiraan.

Masuuliyeen ka Tirsan Jaamacada Muqdisho oo Munaasabada ka hadlay ayaa si aad ah ugu mahad ciliyey maamulka iyo ardada jaamacada Hiiraan waxaana ay ka warbixiyeen ujeeydka ay Baladweyne usoo gaaren.

SAWIR QAADE CABDI AXMED XUSEEN 

RADIO HIIRAANWEYN BALADWEYNE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here