{DAAWO SAWIRADA} Qarax kadhacay Magaalada Muqdisho

0
88

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo Maanta ka dhacay Albaabka hore ee Hotelka Mubaarak ee ku yaalla agagaarka Isgoyska Xaaji Baasto ee Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa ku qarxay Wadada dhinaceeda,waxaana goobta xiligaas yaallay gaadiid kale,kuwaas oo uu qabsaday dab xoogan.

Qiic iyo uuro madow ayaa markii uu qaraxa dhacay isku shareertay Cirka,taasi oo laga arkayay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana markii dambe goobta gaaray gaadiida Dab-damiska oo ku guuleystay daminta dabkaas.

Warar qaar oo ay heshay warbaahinta  ayaa sheegaya in qaraxa wax Khasaaro ah uusan geysan,hayeeshee jugtiisa laga maqlay qebo kamid ah Magaalada Muqdisho,sidoo kalena uu baxday Darawalkii waday gaariga qarxay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo tegay halkaasi ayaa xiray Wadada,iyadoo uu muddo daqiiqado ah uu hakad galay isku socda dadka iyo gaadiida goobta uu qaraxa ka dhacay ,balse Ciidanka ayaa dib u furay markii uu dhamaaday deminta dabkii ka dhacay goobta.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho,iyadoona ay xusid mudan tahay in amniga Magalada aad loo adkeeyay oo wadooyinka qaar la xiray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here