{DAAWO SAWIRADA} Ra iisulwasaraha Itoopiya oo la kulmay xubno kamid ah Milatariga la wareegay Xukunka Sudan,

0
151

Saraakiil katirsan milatariga dalka Sudan ee dhawaan xilka ka tuuray Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir ayaa booqasho deg deg ah ku tagay magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiishan katirsan xubnaha talada dalka Sudan la wareegay, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen isbadalka ka dhacay Sudan iyo sidii loo wanaajin lahaa xiriirkii labada dal u dhaxeeyay.

Saraakiisha katirsan Milatariga Sudan ee la kulmay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed waxaa hogaaminayay Jeneraal Jalaaludiin Al Sheekh, waxa ayna saraakiisha Abiy la wadaageen xog ku aadan isbadalka Sudan ka dhacay.

Abiy Axmed ayaa ka codsaday milatariga Sudan ee talada xooga kula wareegay in ay amaanka ka shaqeeyaan una diyaar garoobaan si nabad galyo ah in xukunka ugu wareejiyaan dowlad rayid ah.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa noqonaya masuulkii ugu horeeyay ee la kulma xubno katirsan Milatariga Sudan ee talada xooga uga wareejiyay Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir oo mudo 30-sano Madaxweyne ka ahaa Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here