{DAAWO SAWIRADA} Roobabki Gu’ga Oo Ka Curtay qeybo ka mid ah Deegaanada Puntland

0
233

Gobolada uu ku hooray roobka ayaa waxaa kamid ah deegaano kamid ah Sanaag,karkaar,Bari,Sool,Nugaal iyo gobolo kale inkastoo wararku ay sheegayaan in roobabkan ay ahaayeen kuwa aan sidaas u badnayn.

 

Deegaano u badan miyi ayay roobabkan biyo dhigeen iyadoona lagu soo waramayo in dad iyo duunyo ay ku diirsadeen isla markaana aysan jirin wax khasaare ah oo uu dhaliyay.

 

Xilli roobaadka guga oo si aad ah loo sugayey ayaa kusoo beegmaya xilli guud ahaan gobolada dalka ay ka jireen abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

 

Si kastaba roobabka ka curtay qeybo kamid ah gobolada Puntland ayaa kusoo aadaya xili dhawaan deegaanada Puntland ay ka dhaceen banaanbaxyo roob doon ah oo raxmadda Eebe loo duceysanayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here