{DAAWO SAWIRADA} Salaad Roob doon Ah Oo Manta Laga Dukaday Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan

0
108

Boqolaal ruux oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay Dagmada jalalaq ee Gobalka Hiiraan  ayaa Manta isugu soo baxay salaad roobdoon ah iyagoo Eebe ka baryay  roob raxmad leh.

Salaada Roobdoonka ayaa lagu tukaday meel fagaare ah halkaasoo culumaa ‘udiin,ganacsato,arday iyo  mas’uuliyiin ka socda maamulka degmada jalalaq ay ka qeybgaleen salaada roobdoonka.

Markii la tukaday salaada ayaa waxaa halkaas qudbado isugu jira ducooyin alle looga baryayo in uu kuleelka ka qaado ummada ka soo jeediyay qaar kamid ah culumaa’udiinka ka qeybgalay salaada roobdoonka ah.

Salaada roobdoonka ah ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha dagmada jalalaq maxamed nuur caga joof dabashe  wuxuna shacabka ugu baaqay inay is cafiyaan Allana u soo noqdaan.

Culumaa’udiinka dagmada jalalaq ayaa toddobaadkan ka hadlay kuleylka iyo roob yarida waxana ay somen sadax malin waxana ay  ugu baaqeen shacabka in Alle loo noqdo

Guud ahaan goobaha waxbarashada ee dagmada jalalaq   ayaa maanta ardayda laga fasaxay iyadoo arday badan ay ka mid ahaayeen dadkii wax ka tukaday salaada Roobdoonka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here