{DAAWO SAWIRADA}Maamulka Gobalka Shabeellada Hoose oo ku iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

0
129

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellada Hoose Ibraahin Aadan Cali “Najax” oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay howlgalo ka socda deegaano hor leh ka tirsan Gobalkaasi.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha inuu Booqday degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose  oo ay ka mid ahaayeen degmooyinka Baraawe, Wanlaweyn, Afgooye iyo deegaannada Sabiib iyo Caanoole.

Guddoomiye  Najax ayaa deegaannadaasi kula soo kulmay saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiinta maamullada iyo waxgaradka bulshada, isagoo si hoose ugu kuurgalay xaaladda nolosha dadka iyo baahiyaha ay qabaan.

Sidoo kale Guddoomiye Najax ayaa sheegay in uu wado qorshe dhameystiran oo gobolkaasi looga xoreynayo  dagaalamayaasha Al- Shabaab, si loo horumariyo noloshada bulshada loona xaqiijiyo ammaanka muwaadiniinta ku dhaqan gobolkaasi.

Gudoomiye Najax ayaa ka codsaday dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gacan ka siiso sidii shabaab looga sifeyn lahaa gobolkaasi, isagoo tibaaxay in uu ka shaqeyndoono soo celinta maqaamkia iyo sharafti uu gobolkaasi ku lahaa dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here