Dowlada Kenya oo odayaal u xil saartay sii deynta dhaqaatiirta Cuba

0
117

Dowlada Kenya ayaa wali wada baadi goobka loogu jiro laba dhaqtar oo u dhashay Cuba oo todobaadkii hore laga afduubtay ismaamulka Mandera ee dhaca waqooyiga Bari Kenya.

Kulan ka dhacay magaalada Mandera oo ay ka qeyb galeen barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba iyo isku duwaha amniga waqooyi Bari Maxamud Biriq ayaa la isla gartay in odayaasha ay qeyb ka noqdaan sidii lagu sii deyn lahaa dhaqaatiirta Cuba.

Dhanka kale odayaasha ayaa bilaabay dadaalada loogu jiro arintaan iyaga oo kaashanaya waxgaradka gobolka Gedo.

Sirdoonka Kenya ayaa qaba in labada dhaqtar markii ugu danbeysay lagu hayay deegaan ka Ceel Cade oo u dhow xadka Kenya ay la wadaagto Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here