Dowladda oo xaqiijisay duqeyn lagu dilay hoggaamiye kuxigeenkii Daacish-ta Soomaaliya

0
70

Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda Maraykanka ayaa lagu dilay  Sarkaal Sare oo  ka tirsanaa Kooxda  Daacish-ta Soomaaliya,sida lagu sheegay War kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Howlgalkaan oo ahaa duqayn ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo xiriirro oo ka tirsan degmada  isku shuban ee deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland.

Howlka oo dhacay 14-kii April ayaa ahaa mid ka mid ah dadaalada lagu wiiqayo awoodda waxa loogu yeero Argagixisada laguna badbaadinayo Shacabka,waxana lagu dilay hoggaamiye kuxigeenkii Daacish-ta Soomaaliya kaas oo lagu Magacaabi jiray Cabdixakiin Dhoqob.

Dawladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe dar-dargalisay Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish, iyada oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here