FAAH FAAHIN Hoggaamiye ku xigeenkii Daacishta Soomaaliya oo la dilay

0
172

Wasiirka Amniga maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeyn  ka dhacday gobolka Bari in lagu dilay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacish Cabdixakiin Dhoqob.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in duqeynta ay si gaar ah uga dhacday  Tuulada Xiriiro ee Duleedka Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari.

 

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan xubno badan oo lala dilay Hoggaamiye ku xigeenka Ururka Daacish.

 

Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaaraddaha dagaalka ee dalka Mareykanka,waxaana la sheegay xilliga la beegsanaayay in ay ku jireen Safar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here