Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta Oo Mudo Loo Xiray Walxaha Qarxa

0
134
Kenya Airways planes are seen parked at the Jomo Kenyatta International airport near Kenya's capital Nairobi, April 28, 2016. REUTERS/Thomas Mukoya/File Photo

Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ayaa la xiray maanta dhowr saacadood kaddib markii laga shakiyey mid ka mid ah diyaaradaha Kenya Airways in ay ku xiran yihiin walxaha Qarxa.

Sida aan ku helnay xogtaan waxaa la xanibay muddo ka badan 6 saacadood dhammaan shaqadii dhinaca Duulimaadka iyo middii Immigration-ka ka socotay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Laba qof oo ka mid ahaa Rakaabka diyaaradda Kenya Airways oo u duuli lahaa waddanka Koonfur Africa ayaa ku dhaqaaqay fal ah in ay si toos ah uga hadlaan gacanka duuliyaha diyaaradda, waxa ayn sheegeen in diyaaradda ay saaran yihiin Walxaha Qarxa, durbaba waxaa la furay Albaabada iyo Dariishadaha diyaaradda, halkaas oo ay ka wada baxeen dadkii saarnaa.

Sidoo kale waxaa garoomada caalamka dhan lagu wargeliyey in la xiray garoonka Joma Kenyatta ilaa amar dambe.

Saraakiisha hey’adda Duulista ayaa la soo wariyey in la xiray labadii qof ee warkaas sheegtay, isla markaana baaritaan deg deg ah lagu saameyey diyaaradda Kenya Airways, kaas oo qaatay saacado badan oo shaqada garoonka hakisay.

Diyaaradihii ka ambabaxay Garoonka Muqdisho ayaa hawada laga soo celiyey iyagoo dib ugu soo laabtay Aadan Cabdulle, sidoo kale duulimaadyo kale ayaa la joojiyey.

Hey’adaha socdaalka iyo Duulista Rayidka ee dowladda Kenya ayaa galabta gelinkii dambe shaaciyey in shaqada garoonka dib loo furay isla markaana howshu ay caadi ku soo noqotay.

Arrintaan ayaa walaac ku abuurtay garoomada diyaaradaha Caalamiga ah ee duulimaadyada ay uga tagaan dalka Kenya, waana dhacdo ugub ah oo aan horey uga dhicin dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here