Garsooraha dhex dhexaadin doona Kulanka Barcelona & Liverpool oo la shaaciyay

0
141

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka adag ee toddobaadkan dhex maraya kooxaha Barcelona iyo Liverpool ee ka qaybta ah afar dhammaadka tartanka Champions League.

UEFA ayaa shaaciyay in garsooraha reer Holland ee Kuipers oo loo tix geliyo mid kamid ah garsoorka ugu wanaagsan qaarada Yurub uu dhex dhexaadin doono kulanka Camp Nou ka qabsoomaya Arbacadan ee aan waxba la isku reeban doonin.

Kuipers ayaa xilli ciyaareedkanba hore usoo garsooray kulamo waaweyn oo Champions League ah sida kulankii ay Juventus guusha weyn ee soo laabashada ah ka gaadhay dhigeeda Atletico Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here