Hey’ada Laanqeyrta cas oo ku baaqday in la sii daayo shaqaale looga Afduubtay Suuriya

0
108

Hey’ada caalamiga ah ee loo yaqaan Laanqeyrta cas ee (ICRC) ayaa codsatay in laga caawiyo xogta sadex ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu afduubtay shan sano ka hor gudaha Suuriya.

ICRC ayaa sheegtay xilli danbe ee axadii shalay in Louisa Akavi, Calaa Rajab iyo Nabil Bakdounes lagu qafaashay gobolka Idlib ee oo dhaca waqooyiga galbeed ee Suuriya dabayaaqadii 2013-kii.

Waa markii ugu horeysay oo ICRC si rasmi ah u shaaciso afduubka shaqaalahan iyadoo tan iyo waqtiga ku rajo weyneyd in xoriyadooda ay Helaan.

Haweeneyda lagu magacaabo Louisa Akavi oo 62 jir ah una dhalatay New Zealand oo kalkaaliso caafimaad ah ayaan la ogeyn halka lagu hayo,balse ICRC ayaa sheegtay in xog ay ka heleyso suuriya ay wali Nooshahay.

Agaasimaha dhanka howlgalada ee ICRC Dominik Stillhart ayaa sheegay in arintaan horay u soo shaac bixin balse ay hada go,aansadeen,si looga caawiyo sii deysmada sedexdaan sargaal oo afduubka loogu heesto Suuriya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here