MadaxweyneTrump Oo ku gacan seyray qaraar ka dhan ahaa boqortooyada Sacuudiga

0
67

Qaraar ay ansixiyeen golaha Kongreska Mareykanka oo lagu soo afjari lahaa taageerada Mareykanka uu u fidiyo isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ee Yemen ka dagaalamaya ayaa waxaa diiday oo codka diimada qayaxan ku horistaagay madaxwayne Trump.

Xiriirka aadka u dhaw ee uu madaxwayne Trump la leeyahay boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaar ka mid ah xubnaha koongreska Mareykanka.

Mareykanka ayaa balaayiin doolar oo taagero hub ah siiya isbahaysiga Sacuudigu hogaamiyo ee Yemen kula tagaalamaya kooxda Xuutiyinta Yemen ee ay Iiraan taageerto.

Balse Kongreska Mareykanka ayaa waxay walaac ka muujiyeen kumanaanka qofka ee rayidka ee ku dhintay duqaymaha cirka tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay 4 sano ka hor.

Todobaadyadii aanu soo dhaafnay qaraaro lagu xaddidayo awoodda madaxwaynaha uu ku diri karo ciidamo ayaa waxaa ansaxiyay labada aqal ee Congreska iyo golaha wakiilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here