Madaxweynihii hore ee Dalka Sudan oo la xirey

0
92

Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashir ayaa lagu xirey  xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kobar kadib markii toddobaadkii hore xukunka laga tuuray.

Wararka ayaa sheegaya in hogaamiyihii hore uu ku sugnaa madaxtooyada dalka Sudan isagoo si gaar ah loo ilaalinayay.

Banaanbaxyo xoog leh oo ka dhacay dalka Sudan ayaa ugu dambeyntii sababay in xukunka laga tuuro Al-Bashir oo muddo soddon sano ah xukumayay dalkiisa.

Wasiirka Arrimaha dibada dalka Uganda Henry Oryem Okello ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu magangelyo siiyo Al-Bashir oo ay doondooneyso maxkamada dambiyada ee Caalamiga ah.

Illaa iyo hadda lama oga halka rasmiga ah ee uu ku xirnaa Mr Bashir balse hogaamiyihii afgambiga Awad Ibn Awf ayaa sheegay in lagu hayo goob ammaan ah, balse General Awad ayaa maalmo kadib is casilay.

Hogaamiyaha cusub ayaa  ballanqaaday inuu sharciga geyn doono dadkii dambiyada ka galay, balse illaa hadda kama aysan hadlin dowlada Milatariga xariga Cumar Xasan Al-Bashir balse waxaa saxaafada u xaqiijiyay qoyska hogamaayihii hore ee Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here