Mareykanka oo sheegay in weerar cir iyo dhul ah shabaab looga saaray hareeraha Wabiga Jubba

0
141

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay duqeyn ka geystay degmada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose halkaas oo sidoo kale ay sheegeen in Ciidamad AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay qabsadeen aagag cusub.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday shalay lagu dilay labo ka mid ah Al-shabab.

Waxaa kale oo lagu sheegay in howlgalkaas uu barbar socday mid dhulka ah oo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya u suurtageliyay in ay Al-shaabab ka saaraan Jiinka wabiga Jubba.

Ciidamada isku dhafka ah ayaa dhulka ay ka baxeen Al-shabaab ee Wabiga Jiinkiisa ah waxaa ay ka sameysteen difaacyo cusub sida lagu sheegay qoraalka Mareykanka,waxaana ay intaas raaciyeen in ay taageeri doonaan howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Jen: William West oo ah agaasime ku xigeenka howlgallada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in Ciidamada Soomaalida ah ee uu tababaray Mareykanka ay kaalin mugleh ka qaateen howlgalka AL-shabaab lagula dagaallamayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here