War Dag Dag ah: Qarax 2aad oo Goordhaw ka dhacay Muqdisho

0
179

Qaraxaan oo aad u xoogan ayaa jugtiisa waxaa lag maqlay degmooyinka gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka ee Wadada Maka Al-Mukarama ee Magalada muqdisho.

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa gaari kaas oo ku qarxay Goob la dhigay oo ah Maqaayada Barwaaqo oo ku taalla kasoo horjeedka Saldhiga degmada Waaberi,waxaana jira khasaaro kala duwan oo qaraxaasi ka dhashay.

Gawaarida gurmadka deg dega ee Ambulance ayaa goordhow gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo u gurmanaya dadka ku waxyeeloobay qaraxaas,waxaana uu yahay qarixii labaad ee Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho.

Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here