War Dag Dag ah: Qarax Goordhaw ka dhacay Muqdisho

0
243

Jugta qarax Xoogan ayaa Goordhow waxaa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay Isgoyska Xaaji Baasto ee Degmada Hodan.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xira gaari nooca raxaada ah,isla markaana waxaa uu ku qarxay  Wadad laamiga ah,waxaana ka soo baxaya warara kala duwan.

Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay in uu haatan ku gubayo Wadada laamiga,waxaana Cirka isku shareertay uuro Madow  ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,iyagoo halkaasi xiray.

Weli si dhab ah looma oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here