Antonio Conte oo qarka u saaran inuu tababare u noqdo Inter & Bartilmaameedkiisa koowaad oo laga helay Man United.

0
127

 Tababare Antonio Conte ayaa qarka u saaran inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Inter Milan, waxaana si hordhac ah loo sii ogaaday xiddiga uu bartilmaameedkiisa ugu horreeya ka dhiganayo inuu ka tirsan yahay Manchester United.

Tababarahii hore Chelsea ayaa ugu cad-cad inuu shaqada ka badalo Luciano Spalletti, wuxuuna doonayaa inuu lasoo saxiixdo Romelu Lukaku oo lacag ku dhaw 100 Malyan oo Pound ugu soo wareegay Red Devils laba sano ka hor.

Conte wuxuu jeebka ku shuban doonaa 190 Malyan oo Yuuro, isagoo qaadan doona sanadkii 9 Malyan oo Yuuro si uu Inter Milan ugu soo celiyo loolanka horyaalka isla markaana ay isugu dayaan iney soo afjaraan gumeysiga ay Juventus mudooyinkii ugu dambeeyay ku heysatay Serie A-da.

Warbaahinta talyaaniga ayaa qiray in Antonio Conte uu heshiis hordhac ah la galay maamulka Inter Milan, sidoo kalana la shaacin doono 28-ka May.

Sida lagu qoray Times, tababare Antonio Conte wuxuu doonayaa inuu Lukaku ka dhigto saxiixiisa ugu horreeya si uu kooxda uga xoojiyo dhanka weerarka, arrinkaan ayaana salka ku haya kalsooni darada lagu qabo mustaqbalka Mauro Icardi.

Red Devils waxey xiddigaan kaliya u fasixi kartaa lacag ku dhaw 75 Malyan oo Pound, sidoo kalana Conte wuxuu qeyb kasoo dhisay kooxda Juventus ee sida awoodda leh u maamuleysa horyaalka talyaaniga maadaama uu saddex jeer oo xiriir ah horyaalka u qaaday ka hor inta uusan 2014 ka guurin.

Sidoo kale Conte wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii Juventus ee ku guuleystay koobkii ugu dambeeyay horyaalada yurub markaas oo ay rigooreyaal kaga guuleysteen Ajax 1995-96.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here