Booliska oo sheegay in la qabtay rag Caawa weeraray Saldhigyo Ciidan

0
121

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen rag bambaanooyin ku weeraray Saldhigyo Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ku leeyihiin degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in la qabtay Nin Bam ku weeraray Saldhig Ciidan oo ku yaalla xaafada Taleex ee degmada Hodan iyo nin kale oo bam ku weeraray Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Dowladda oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay dhaqarqabe bam ku soo tuuray Waaxda Taleex ee degmada Hodan. Sidoo kale waxeey ku guleysteen in ay soo qabtaan dhagarqabe kale oo isla caawa bam ku tuuray suuqa bakaaro ee degmada Howlwadaag ayay tiriĀ Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa taliska Booliska Soomaaliyeed waxa uu shaacinayay in gacanta lagu dhigay dad dilal iyo weeraro ka geystay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here