Ciidamada AMISOM oo muddo kordhin loo sameeyay.

0
129

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, Guddiga nabadda iyo amaanka ee Midowga Afrika iyo Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muddo kordhin dheeraad ah u sameeyay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM loo yaqaan.

Warbixinno ay soo diyaariyeen guddiyada nabadda iyo amaanka Midowga Afrika sidoo kalena xubno ku lahayd Qaramada Midoobey ayaa dhegeysigooda kaddib la isku raacay in AMISOM loogu daro sanad dheeraad ah.

Muddada cusub ee AMISOM oo hal sano ah,waxaa ay ka billaabaneysaa 27ka Bishan May,waxaana ay ku egtahay 27ka Bisha May 2020ka.

Qodobo badan oo laga so saaray warbixinta ayaa lagu bogaadiyay howlgalka AMISOM,guulaha laga soo hooyay, habka qorshaha kala guurka iyo sida loo fulinayo bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya marka la gaaro 2021.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in si gaar ah loogu tacsineynayo Waddamada Ciidamada ilatariga iyo Booliska ku deeqay Soomaaliya kuwaas oo uu khasaare ka soo gaaray howlgalkan oo Guddiga sheegay in guulo wax ku ool ah laga muujiyay.

Waxaa lagu soo dhaweeyay qabsashada Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen degaanno ku kala yaalla Gobollada Shabeellaha hoose iyo Jubada hoose.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu dalbaday in la oggolaado fursadaha shaqaalaha rayidka ah ee AMISOM si howlgalka qeybtiisa rayidka ah loo ballaariyo,waxaana lagu codsaday ansixinta qaadashada shaqaale cusub oo rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here