Ciidamada Ammaanka oo toogtay ruux dhaawacay Askari

0
87

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir waxa ay ku toogteen Nin hubeysnaa oo dhaawacay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Falkan ayaa ka dhacay Isgoyska Bakaaraha, waxaana la sheegay in Ninka hubeysan uu askariga dhaawacay,hayeeshee askar kale oo Goobta ka agdhaweyd oo maqlay rasaasta askariga lagu dhaawacay ay toogteen,isaga oo watay Bustoolad.

Wararka qaarkood ayaa waxaa ay sheegayaan in uu goobta ka baxsaday Nin kale oo la socday Ninka ay Ciidamadu toogteen oo watay mooto,waxaana israsaaseyn ay dhexmartay Ciidamada iyo Ninka hubeysan oo markii dambe ay dileen.

Inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto askarta dowladda Soomaaliya,waxaana mas’uuliyada dilalkaas sheegta Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here