{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Bulo-burte oo so xiray Imtixaankii Shahaadiga ee Wasarada Waxbarashada Soomaaliya

0
421

Gudumiyaha dagmada bullo,burde cabdicasiis cabdulahi duroow  iyo duqa Dagmada Maxamed Fiidow Cawale gor.gorshe  ayaa Maanta oo Jimce ah waxa ay soo xiren Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee dagmada,kaas oo 27kii Bishaan oo ku beegneyd maalintii Isniintii ka bilaawday guud ahaan dalka.

 

Gudomiyaha oo wehlinayo duqada dagmada  ayaa waxaa ay kormeer ku tageen Xaruntaa uu ka socdo imtixaanka,iyaga oo dhiiragelinayay Ardayda sanadkaan ka qyeb gashay Imtixaanka Dowladda.

 

ugu horen waxa uga warbixiyay mamulaha iskuulka Shiikh  Balcad iyo mid kamid ah macaliminta iskulka debleey waxana ay shegen in imtixanka uguna soo idladay si wanagsan.

 

Gudomiyaha iyo duqa dagmada ay kula dardaarmeen Ardayda Soomaaliyeed oo ah jiilka Mustaqbalka dalka inay si wanaagsan ay usii wadaan waxbarashadooda,isla markaana dadaal farabadan ay ku bixiyaan.

 

In ka badan 31 Kun oo Arday ayaa sanadkaan ka qeyb gashay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare oo ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya,iyada oo mar uu Imtixaanka fashilmay balse Wasaaraddu ay dib ugu celisay.

Sakariye Cali Raage 

Radio Hiranweyn Bulo-burte

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here