{DAAWO SAWIRADA} Xirnaasha Garoonka Diyaaradaha ugaas Khaliif oo Saameyay Safar uu madaxweyne waare ku imaan lahaa Baladweyne,

0
157

Tan iyo markii roobabka guga ay ka curtay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa hakad galay duulimaadyadii diyaaradaha garoonka Ugaas khaliif.

 

Sadaxdii maalin ee ugu danbeysay majirin wax duulimaad ah oo ka so dagay ama ka ambabaxay  garoonka diyaaradaha ugaas khaliif ee Magaalada Baladweyne waxana ay taas sababatay in uu baaqdao safar uu madaxweyne waare ku imaan lahaa Baladweyne sida ay Hiiraanweyn u sheegeen qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan.

 

 

Maal mahii la so dhaafay ayaa waxaa magaalada Baladweyne laga dareemayay qaban qaabo la doonayo in lagu so dhaweynta Madaxweyne Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare.

 

safarka madaxweyne waare ayaa u weecday dhinaca jowhar madaama aan diyaarad ka dagi karin garoonka Baladweyne oo ay maanseeyeen Robab ma hiigaan ah oo si is daba joog ah Baladweyne iyo na waaxigeeda ka da ay.

 

 

Xirnaashaha Garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ayaa sabab in uu baaqdo safar uu madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare ku imaan la haa Magaalada Baladweyne Gobolka Hiiraan.

 

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa hada  isku dayo biyaha looga saraa ka wado qaar kamid ah shaqaalaha ka shaqeeyo diyaaradaha Shacabka kuwaas oo ay shaqadooda  is taagtay madaama ay shaqadooda ku tiirsaneed garoonka Ugaas khaliif ee Baladweyne.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here