Dowlada Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Muqdisho ka dhacay

0
125

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qarax ay argagixisadu la beegsadeen dad bakarakacayaal ah oo deganaa dhismihii hore ee wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadka masaakiinta Barakacayaasha ah oo iyagoo ALLE dartii u Sooman malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ay ku waxyeelleeyeen Qarax laga soo buuxiyey gaari ayna ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacba, waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo.

Wasiirka Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarrada Bahalnimo ee ay Argagixisadu shacabka u soo maleegayaan bishaan Naxariista iyo Cibaadada ee Ramadaan, waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jira cadowga Argagixisada ah ee Al-shabaab, waxa uu rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari dooni jiritaan nabad-diidka Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here