Garoonka Ay Qatar U Dhistay Koobka Adduunka 2022 Oo Lagu Tilmaamay Inuu U Eg Yahay Xubinta Taranka Dumarka

0
202

Qatar ayaa dhawaan shaacisay in garoonkii labaad ee ay u dhiseen martigelinta Koobka Adduunka 2022 in la dhameystiray, laakiin taageerayaasha kubada cagta ayaa ku tilmaamaya in garoonka uu u muuqaal egyahay xubinta taranka dumarka.

Garoonkaan oo loo bixi Al Wakrah ayaa martigelin doona kulamada Koobka Adduunka 2022 ee ilaa wareega sideed dhamaadka, waxaana uu garoonku qaadaa 40 kun taageerayaal ah.

Waxaa nashqadeysay gabadha ku caan baxay nashqadeynta dhismaha ee Britain balse asalkeeda uu ka soo jeedo Ciraaqo Zaha Hadid taasoo wadno xanuun u dhimatay sannadii 2016 iyadoo 65 sanno jir ah.

Iyadoo waqtigaas u hadleysay jariirada majalada Time Hadid ayaa tiri: “Waa wax ceeb ah inay waxyaabo noocaan oo kale ah la yimaadaan dadku.Markii nashqadeeda la baahiyay sannadii 2013 waxay sheegtay in naqshada ay uga tusaale qaadatay doon carbeed oo lagu kuluumeysto, laakiin taageerayaasha kubada cagta ayaa ku tilmaamay in qeybta kore ee garoonka uu u egyahay xubinta taranka dumarka.

“Maxay leeyihiin? Wax walba oo duleela waa xubinta taranka dumarka? Taasi waa doqonimo.”

Hadid oo aheyd gabar lagu ixtiraamo nashqadeynta guryaha ayaa waxay hadalkeeda raacisay: “Haddii uu nin sameyn lahaa shaqadaan looma eedeyn sidaan oo kale.”

Waxaa sidoo kale jiray eedeymo la xiriira in Koobka Adduunka lagu qabto wadankaan madaama heerkulka uu kor u dhaafo 40 digrii. Laakiin si kuleylka loola dagaalamo waxaa garoomada loo isticmaali doonaa qaboojiyayaal kuwaasoo cimilada garoomada ka dhigi doona 20 digrii.

Ilaa iyo 100 dhuumood ayaa garoon walba ku sii deyn doona hawo qabow iyadoo saqafka kore ee garoonka haatan la dhameystirmay uu xirmayo haddii ay qoraxdu kululaato.

Koobka Adduunka 2022 waxaa la qaban doonaa waqtiga qaboobaha si looga gaashaanto kuleylka bariga dhexe ee waqtiga xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here