{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Buulo-burde Oo Kormeeray Mashaariic Horumarineed oo Ka socoto Dagmadaas

0
205

Kormeerkan oo uu Gudoomiyaha Dagmada Bullo burte maanta ku tagay dhismayaasha mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada buuloburde ayaa waxa ay kala yihiin dhismaha xarunta maamulka degmada, garoonka ciyaaraha iyo suuqa hilibka iyo khudaarta, sedexdaas mashruuc ayaa waxa ay ka mid yihiin lix mashaariic ah oo ay maamulka degmada ka hirgalinayaan magaalada buuloburde iyaga oo kaashanaya dowlad goboleedka hirshabelle iyo dowlada federalka ah ee Soomaaliya,

 

Mashaariicdan oo maraya heer gabagabo ah ayaa waxa ay soo bilowdeen bishii febaraayo ee sanadkan, waxaana dhismihiisa dhamaaday mar dhaw hoolka shirarka oo ka mid ahaa mashaariicdan horumarineed ee ka socda degmada buuloburde

Gudoomiyaha Dagmada Bullo burte Cabdicasiis duuroow ayaa kormeerka ka dib uga warbixiyay warbaahinta waxyaabahii uu ku so arkay iyo sida ay u socotay Mashaariicda Dagmada.

Cabdi Casiis Abaa oo ka mid ah howl wadeenada mid ka mid ah mashaariicdan ayaa sheegay in in mashaariicdane ay muhiim u tahay degmada Buuloburde ayna leeyihiin dadka deegaanna kulana dardaarmay in ay ilaashadaan

Mashaariicdaan gabagabada mareyso ee ka socota degmada buuloburde waxaa maalgilinaayo  Santuuqa xasilinta Soomaaliya SSF waxana fulinaayo  Maamulka Dagmada Bullo Burte ee Dowlad Goboledka Hirshabele,

Sakariye Cali Raage

Radio Hiranweyn

Dagmada Bullo burte

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here