Liverpool Oo Ka Walaacsan Hal Arin Ka Hor Finalka Champions League Balse Xal U Heshay

0
1311

Liverpool ayaa ku jirta diyaargarowga finalka Champions League ee ay 1da bisha Juun la ciyaarayaan kooxda Tottenham iyagoo weli tababar ku sameynaya magaalo xeebeedka Marbella ee dalka Spain.

Waxa ay kulan saaxiibtinimo oo albaabada u xiran yahay ku ciyaari doonaan Spain isbuucaan iyadoo Klopp uu doonayo inuu kooxdiisa ka dhigo kuwa u caaboon finalka.

Liverpool ayaa ka walaacsan in fasaxa u dhaxeeya dhamaadka xilli ciyaareedka Premier League iyo finalka inay ciyaartoydiisa ku keeni karto in qaab ciyaareedkooda uu hoos u dhaco.

Laakiin waxa ay rajeynayaa in kulan saaxiibtinimo oo ay ciyaaraan inay hubin doonto inay diyaar u yihiin Spurs todobo maalood ka dib.

Lamana sheegin kooxda ay kulanka saaxiibtinimo ee albaabada u xiran yahay ay la ciyaari doonto laakiin waxaa la filayaa inay noqoto kooxaha heerka hoose ee Spain.

Dhanka kale Sadio Mane ayaa sheegay inuusan waligiis ku riyoonin inuu ku guuleysanayo kabta dahabka laakiin uu mar walba doonayay inuu gacanta ku dhigo koobka Champions League.

Haatan waxa uu heystaan fursad labaad oo uu dhegaweyne ku qaadi kar ka dib markii xilli ciyaareedkii hore ay guuldarro ka soo gaartay Real Madrid.

Mane oo afar gool ka dhaliyay Champions League xilli ciyaareedkan kana caawiyay kooxdiisa inay finalka u soo baxdo ayaa doonaya inuu Liverpool ku hogaamiyo koobkoodii ugu horeysay ee Champions League ee tan iyo 2005.

Mane ayaa yiri: “Haddii aan si daacad ah u hadlo, markii aan yaraa kuma fekereyin inaan ku guuleysano Kabta Dahabka, laakiin maalin walba waxaan ka fekeri jiray ku guuleysiga horyaalka iyo Champions League.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here